Cudur aan la aqoonsan oo ka dilaacay dalka Kongo

9 December, 2024

Cudur dahsoon oo ka jira Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa inta badan ku faafaya carruurta, wuxuuna khatar gelinayaa dadka ay nafaqo-xumadu hayso, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, oo khubaro u dirtay gobolka si ay u soo baaraan cudurka dillaacay.

Xogahii ugu dambeeyey ee la daabacay fiidnimadii Axadda, WHO waxay sheegtay in 406 xaaladood oo cudurka aan la aqoonsan la diiwaan geliyay intii u dhaxaysay Oct. 24 iyo Dec. 5, 31 ka mid ah ay ahaayeen dhimasho.

Calaamadaha cudurka, oo aan la ogaan sababta keentay, waa qandho, madax-xanuun, qufac, sanka oo dareera iyo jir xanuun. Wuxuuna ku fidayaa aagga caafimaadka Panzi ee ku yaal koonfurta-galbeed ee Kongo ee Gobolka Kwango.

Dhammaan dadka kiisaskoodu daran yahay ayaa la sheegay inay nafaqo-xumo aad u daran hayso, badina kiisaska la soo sheegay waxay ahaayeen carruur, gaar ahaan kuwa da’doodu ka yar tahay shan sano, ayay WHO sheegtay.

Horseed Media