Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa taliyaha cusub ee qaybta booliska gobolka Raascasayr u magacaabay Gaashaanle Sare Mahad Cali Car- Car.
Taliyaha Cusub, G/Sare Mahad Carcar ayaa horey uga soo shaqeeyey gobolka Raascasayr oo kamid ah gobolada ugu fogfog ee Puntland.
Wareegtada Magacaabista;
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 25 ee 08-da December, 2024, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Raas Casayr.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa Ciidanimo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa G/sare Mahad Cali Car- Car loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Raas casayr.
Horseed Media