Madaxweynaha Cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro oo xilka loo dhaariyey

12 December, 2024

Madaxweynaha cusub ee ay dhawaan doorteen shacabka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), iyo ku-xigeenkiisa, Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta xilkii si rasmi ah ula wareegay, waxana ay mareen dhaarta Dastuuriga ah.

Munaasibadda xil-wareejinta iyo dhaarinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka cusub oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada, ayey ka qaybgaleen shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, madaxweyneyaashii hore, guddoomiyaha maxkamadda sare iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha xilka wareejiyey, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheer oo dhinacyo kala duwan taabanaysa halkaas ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha la doortay iyo ku-xigeenkiisa, waxana uu si qoto dheer u sharraxay waxqabadkii ay dalka ka hirgelisay xukuumaddii uu gadh-wadeenka ka ahaa.

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa munaasibadda ka jeediyey khudbad ballaadhan oo salka ku haysa qorshihiisa siyaasadeed ee ku saabsan midaynta bulshada iyo horumarinta dalka, qorshihiisa ku aaddan siyaasadda arrimaha dibadda iyo ka go’anaanshihiisa dhinaca hawlaha la xidhiidha sinnnaanta iyo caddaaladda bulshada dhexdeeda.

Ugu horrayn, madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu farriin u diray shacabka reer Somaliland, waxana uu ugu baaqay midnimo iyo inay gacmaha is wada qabsadaan, wada-jirna kaga gudbaan wax kasta oo horumarka qaranka caqabad ku ah, waxana uu yidhi, “Waxa aan shacbigeyga ugu baaqayaa midnimo iyo inaan gacmaha is qabsanno si aan u jeexno jidka wadajirka iyo walaaleynta dadka reer Somaliland si aan u xaqiijinno hirgelinta caddaalad, sinnaan, iyo horumar uu dalkeennu ku tanaado.”

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ka hadlay siyaasaddiisa la xidhiidha gobollada Bariga Somaliland oo meelo ka mid ah tabashooyin iyo shaqaaqo ka jirto, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu wada hadal iyo walaalnimo ku wajahayo, “Xukuumaddaydu waxa ay diyaar u tahay nabadeynta gobolada bariga Somaliland, inay dhigto gogol nabadeed oo aan wax shuruud ah ku xidhnayn iyo in wixii khilaafaad ah lagu dhammeeyo wada-hadal si loo helo xal nabdeed oo siyaasi ah, taasi waxa ay keeni doontaa nabad ku wada noolaansho, isu furanka dadka iyo ganacsiga iyo is-dhaafsiga maxaabiista. Walaalayaal, waxa ina mideeya ayaa ka badan, waxa ina qeybiya.” Ayuu yidhi madaxweyne Cirro.

Horseed Media