Diyaarad xamuul ah oo Ruushku leeyahay ayaa ka ambabaxday dalka Suuriya

14 December, 2024

Maanta oo Sabti ah, diyaarad nooca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ka…

Maanta oo Sabti ah, diyaarad nooca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ka soo duushay dalka Suuriya, iyadoo ka soo duushay saldhigga Hmeimim ee magaalada xeebta ku taal ee Latakiya, iyadoo ku sii jeedda dalka Liibiya, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka Suuriya.

Sarkaalkan – oo fadhigoodu yahay bannaanka saldhigga ciidammada cirka ee Ruushka – ayaa intaa ku daray in la filayo in diyaarado kale oo Ruushku leeyahay ay ka duullaan magaalada Hmeimim maalmaha soo socda, iyadoo aan wax war ah laga hayn sababta ay diyaaraddu ugu wajahan tahay Liibiya iyo waxa ay siday.

Waxaa la arkayay dhaq dhaqaaqyo badan oo maalintii shalay ka socday garoonka diyaaradaha, marka laga soo tago diyaarada xamuulka qaada, diyaarad nooceedu yahay Ilyushin IL-76 iyo diyaarad helicopter ah ayaa la arkayay oo ku soo degeysa saldhiga.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa sidoo kale la arkayay iyagoo ku duulaya gudaha saldhiga, waxaana diyaarad Su-34 ay ku degtay si ay shidaal u sii shubato.

Diyaarada Zeppelin ayaa dul heehaabtay saldhiga, waxaana gudaha saldhiga lagu arkay labo baabuur oo sitay calanka Ruushka.

Shalay oo Jimce ahayd, sawirada dayax-gacmeedka ayaa muujinayay daabulka qalabka militariga Ruushka ee saldhiga Hmeimim, waxaana soo muuqday labo diyaaradood oo Antonov AN-124 oo xamuul ah.

Ruushka oo muddo dheer xulufo la ahaa Bashaar Al-Asad ayaa magangelyo siisay madaxweynahaasi la afgembiyay ee Suuriya usbuucii hore, ka dib markii uu ka caawiyay inuu ka baxsado dalkiisa, xilli xoogagga mucaaradka ay ku soo wajahnaayeen Dimishiq.

Moscow waxa ay sheegtay in ay rajaynayso in ay ilaashato saldhigyada ay ku leedahay Suuriya, kuwaas oo kala ah saldhiga hawada ee Hmeimim ee Latakiya iyo saldhiga ciidamada badda ee Tartous, si ay u sii wadaan dadaalada ka dhanka ah waxa ay ku tilmaantay “argagixisada caalamiga ah”.

Horseed Media