Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyay shir looga hadlay xaaladda amniga…

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyay shir looga hadlay xaaladda amniga deegaannada maamulkaas, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadgelyada iyo dardargelinta howlaha amni ee ka socda gobollada Koofur Galbeed.
Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Amniga iyo saraakiisha ciidamada kala duwan, kuwaas oo warbixinno ka bixiyay xaaladda amni ee deegaannada Koofur Galbeed iyo qorshayaasha cusub ee lagu xoojinayo sugidda amniga.
Shirka ayaa laga soo saaray go’aanno dhowr ah oo la xiriira amniga, kuwaas oo ay ka mid yihiin in askari aan xirnayn dareeska ciidamada uusan qori ku dhex qaadan karin magaalada gudaheeda, isla markaana la mamnuucay in gaadiidka dagaalka ay si caadi ah ugu dhex socdaan magaalada haddii aysan ku jirin howlgal rasmi ah.
Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha amniga iyo bulshada, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni, wuxuuna faray laamaha ammaanka inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu ilaalinayo nabadgelyada shacabka iyo sugidda amniga guud ee deegaannada maamulka Koofur Galbeed.



