Dowladda federalka ah ee Somalia oo maamul kumeel gaar ah u soo magacawday deegaamada Koonfur Galbeed…

Dowladda federalka ah ee Somalia oo maamul kumeel gaar ah u soo magacawday deegaamada Koonfur Galbeed ayaa bilowday dardargelinta qorshayaasheeda siyaasadeed ee deegaamadaasi.
Guddoomiyaha golaha shacabka oo saamiqaybsi ahaan ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa Bayyadhabo ku shiray Taliyayaasha ciidamada Daraawiishta, Booliska, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Somalia iyo xubno katirsan golayaasha dowladda Somalia.
Kulankaan ayaa diiradda lagu saarayey sugidda ammaanka deegaamada Koonfur Galbeed, kahortagga cidkasta oo ka hortimaadda qorshayaasha dowladda, habka loo wajahayo ciidamadii Madaxweyne Lafta-gareen iyo hab-maamulka doorashooyinka deegaamadaasi.
Dowladda ayaa damacsan in Koonfur Galbeed ay sii maamulaan Mas’uuliyiin heer federal ah, iyadoo intaasi kadib lagu qaban doono doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu soo saari doono xildhibaanada heer deegaan, heer dowlad goboleed ilaa heer federal.



