Aadan Madoobe oo loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

10 June, 2026

Guddoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta magaalada Baydhabo…

Guddoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Aadan Madoobe ayaa helay dhammaan codadkii la dhiibtay, kaddib doorasho ay hareeyeen muran iyo eedeymo ku saabsan hannaanka loo maray qabashadeeda.

Musharraxii ugu weynaa ee la tartamayay, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa qaadacay doorashada, isaga oo ku eedeeyay guddiga iyo dhinacyada ku lugta leh inay ka baxeen ballamihii hore ee la xiriiray qabashada doorasho xor iyo xalaal ah. Wuxuu sheegay in muddo laba bilood ah ay sugayeen hannaan caddaalad ah oo ay ku wada kalsoon yihiin dhammaan dhinacyadu.

“Laba bilood ayaan sugaynay doorasho caddaalad ah, ballantii waa naloo ka baxay, taleefanno ayaa lala galay. Waxaan rabnay dimuqraadiyad, balse waxa socda waa wax kale,” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan, isaga oo muujiyay sida uu uga xun yahay habka ay doorashadu u dhacday.

Sidoo kale, musharrax kale oo ahaa wiilka uu dhalay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaan wax cod ah ka helin goobta doorashada. Natiijadan ayaa sii xoojisay doodaha ku saabsan hannaanka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo baahida loo qabo doorashooyin ay dhammaan dhinacyadu ku qancaan.

Galmudug, Hirshabeeelle iyo Waqooyi Bari ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee loo doortay Koonfur Galbeed xilli uu weli Madaxweyne Sheeganayo Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.