Guddoomiyaha golaha shacabka barlamaanka Somalia ahna musharaxa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)…

Guddoomiyaha golaha shacabka barlamaanka Somalia ahna musharaxa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta gaarey Magaalada Baydhabo oo xarun u ah maamulkaasi.
Aadan Madoobe oo loo xiray kursiga musharaxa madaxweynaha ee xisbiga JSP ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Baydhabo isagoo wata calaamaddii xisbiga taageerayaashiisana ugu yeeray inay garab joogsadaan.
Waxa uu sheegay in haddii loo doorto madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed uu ka shaqayn doono midnimada, isu keenidda iyo horumarinta bulshada kunool deegaamada maamulkaasi.
Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa qorshaynaysa inay Koonfur Galbeed ka qabato doorashada xildhibaanada golaha deegaanka iyo barlamaanka heer dowlad goboleed, iyadoo xisbiga dowladdu yahay cidda hoggaamin doonta deegaanka.



