Aadan Madoobe oo sagootin u sameeyey wafuud ku dhaxday Magaalada Baydhabo.

7 July, 2026

Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin…

Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa magaalada Baydhabo kaga qeyb gashay munaasabad casho sharaf iyo sagootin isugu jirtay oo uu qabtay Madaxweyne Aadan Madoobe.

Munaasabaddaan ayaa Maamulka Koonfur Galbeed u qabtay qaar kamid ah mas’uuliyiintii iyo marti sharaftii ka soo qeyb gashay xafladdii caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa madasha ka muujiyey mahadcelin iyo sagootin rasmi ah ka hor inta aysan dib ugu laaban deegaannadooda.

Xafladda ayaa qeyb ka ahayd munaasabado lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo xiriirka u dhexeeya madaxda heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada, kadib caleema-saarkii hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed.