Aadan Saransoor oo digniin u diray Madaxweynaha Somalia.

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor) oo kamid ah xubnaha laga soo doorto deegaamada Maamulka Koonfur…

23 March, 2026

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor) oo kamid ah xubnaha laga soo doorto deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa si adag uga hadlay qalalaasaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday deegaamadiisa.

Aadan Saransoor oo maalinimadii shalay gaarey Magaalada Baydhabo kadib socdaal isaga iyo xubno kale kaga yimaadeen Kenya ilaa Itoobiya ayaa ugu horrayn ku eedeeyey Madaxweynaha Somalia inuu colaad ka hurinayo deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo ugu baaqay inuusan muddo xileedkiisa xumaan ku soo gabagabayn.

“Maadaama waqtigaagu dhammaad yahay kaama aqbalayno inaad colaad deegaamadeena u soo rartida, ma aqbalayno in deegaamadaad oo nabdoon aad kuweena dagaal ka riddid, wiilasha aad ku daabulaysid Shabeellaha Hoose iyo Buurhakaba makaa yeelayno Madaxweyne inay is dhibaateeyaan horay ayaa loo soo arkay in Koonfur Galbeed shaati dowladeed loo soo gashado mana ogolaanayno”, Ayuu yiri Aadan Saransoor.

Dhanka kalena, Xildhibaan Aadan Saransoor ayaa sheegay in Madaxweyne Lafta-gareen lamid yahay Deni iyo Axmed Madoobe uuna qaatay go’aan masiiri ah, isagoo ka dalbaday golaha Mustaqbalka iyo shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan Koonfur Galbeed.

“Lafta-gareen wuxuu lamid yahay Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo horay xiriirka ugu jaray dowladda Federalka ah, maxaa isaga loo dhibaataynayaa, wuxuu qaatay go’aan lagu badbaadinayo Somalia, golaha mustaqbalka waa ku mahadsan tihiin taageeradiina laakiin yeysan afka noqon waayo badbaadada Somalia maanta waxay taallaa Koonfur Galbeed”, Ayuu yiri Markale.