Aas-wadareed loo sameeyey dad ku dhintay dagaal ka dhacay Adhi-caddeeye.

Magaalada Adhi-caddeeye ee gobolka Sool ayaa maanta aas-wadareed loogu sameeyey in ka badan 20 ruux oo…

23 June, 2026

Magaalada Adhi-caddeeye ee gobolka Sool ayaa maanta aas-wadareed loogu sameeyey in ka badan 20 ruux oo shalay ku geeriyooday dagaal salka ku haya aano-qabiil, oo ka dhacay deegaankaasi.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah isimada dhaqanka gobolka Sool, ayaa sheegay in isimada iyo waxgaradka deegaanku ay si degdeg ah uga shaqaynayaan sidii loo joojin lahaa colaadda iyo in la qaboojiyo xiisadda ka dhalatay dagaalka.

Garaadka ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay dhacdada, isaga oo sheegay in dadaallo badan oo lagu baajinayey dagaal dambe oo ka dhex dhaca beelaha ood wadaagta ah ee dirirtu dhexmartay.

“Waan ka xunahay waxa dhacay, waxaan samaynay dedaal badan ka hor dagaalka se qadar baa dhacay. Walaalahayo aan dhulka iyo dowladda wada leenahay si gaar ah baan ugu tacsiyeynayaa,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.