Abaabul ka dhan ah Madaxweyne Lafta-gareen oo ka socda gobolka Baay.

10 March, 2026

Dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo kuwa siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed…

Dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo kuwa siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa ka socda degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Saraakiil ku sugan degmada Buurhakaba ayaa ciidamo Daraawiish ah oo muddo tababar uga socdey deegaanka iyo kuwa cusub oo ku soo biiray u qaybiyey hub, saanad iyo tuute, xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka u dhexeeya maamulka degmadaasi iyo xukuumadda Lafta-gareen.

Saraakiisha iyo maamulka degmada oo la hadlay ciidamadan ayaa ku booriyay inay u diyaar garoobaan sugidda amniga degmada iyo la dagaalanka Al‑Shabaab, iyo cid kasta oo ay ku tilmaameen inay khatar ku tahay xasilloonida Buurhakaba.

Tallaabadaan ayaa la rumaysan yahay inay ka dambeeyaan siyaasiyiin mucaarad ah iyo xildhibaano katirsan dowladda federalka ah ee Somalia oo doonaya inay saamayn ku yeeshaan doorashooyinka dalka iyo jaangoynta xildhibaanada ka soo baxaya gobolka Baay.