Abaaraha Soomaaliya oo barakac xooggan sababay, kumannaan qofna ay ku qulqulayaan Baydhabo

Kumannaan qof oo ay saameeyeen abaaraha daba-dheeraaday, cunto-yarida iyo colaadaha ayaa ku qulqulaya magaalada Baydhabo, xilli ay sii yaraanayaan dhaqaalihii iyo gargaarkii bani’aadannimo ee loogu talagalay Soomaaliya.

12 August, 2026

Magaalada Baydhabo waxaa hadda ku nool qiyaastii 1.6 milyan oo qof, iyadoo ku dhowaad kala bar dadkaasi ay yihiin barakacayaal, sida ay sheegtay hay’adda Plan International oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Associated Press (AP).

Luul Maxamed iyo shanteeda carruurta ah ayaa muddo ku dhow laba toddobaad safar ugu jiray inay gaaraan Baydhabo, kaddib markii abaartu ku qasabtay inay ka soo hayaamaan degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, oo magaalada u jirta in ka badan 300 oo kilomitir.

Qoyska ayaa tuulooyin kala duwan sii maray, kahor intii aysan 3-dii Agoosto soo gaarin Baydhabo, oo noqotay goobta ugu weyn ee ay magangelyada ka raadsadaan dadka ka soo cararaya abaaraha, amni-darrada iyo cunto-yarida.

“Gaajo daran iyo xaalad quus ah ayaan ku jirnaa. Wax aan cunno ma haysanno, rajadayaduna Alle ayay ku xiran tahay,” ayay Luul u sheegtay AP.

Safarka qoyskeeda ayaa tusaale u ah xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya ka sii daraysa. Abaaro sannado badan socday, colaado iyo duruufo dhaqaale ayaa qoysas badan ku qasbaya inay ka soo hayaamaan deegaannada miyiga, xilli ay sii yaraanayaan lacagaha ay helaan hay’adaha gargaarku.

Malaayiin qof oo wajahaya cunto-yari daran

Qiyaastii laba milyan oo Soomaali ah ayaa hadda wajahaya heer degdeg ah oo cunto-yari ah, tiradaas oo laba jibbaar ka badan tii sannadkii hore, sida ay sheegtay Plan International.

Hay’adda iyo Maamulka Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay kordhiso taageerada bani’aadannimo, iyagoo ka digay in xaaladda ay uga sii dari karaan musiibooyin kale oo cimilo.

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa sheegtay inay jirto suurtagalnimo ka badan 90% oo ah in xaaladda cimilo ee El Niño ay bilaabato bartamaha sannadkan, ayna xoogeysato xilliga roobabka Soomaaliya ee Oktoobar ilaa Diseembar. Arrintan ayaa sare u qaadaysa khatarta fatahaado xooggan.

Soomaaliya ayaa sannadihii la soo dhaafay la kulmeysay abaaro daba-dheeraaday oo ay xigeen fatahaado burbur badan geysta. Isbeddelladan cimilo ayaa baabi’iyey hab-nololeedkii bulshada, kordhiyey barakaca iyo cudurrada, isla markaana sii xumeeyey cunto-yarida.

Xabiibo Aadan waxay ka soo barakacday deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay, kaddib markii afar sano oo xiriir ah oo abaar ahi ay baabi’isay dalagyadii, xoolihiina leysay. Waxay haatan labadeeda gabdhood kula nooshahay xero barakac oo ku taalla Baydhabo.

“Abaaruhu afar sano oo xiriir ah ayay socdeen. Sannadkanna dalagyadii intooda badan waa ay baaba’een,” ayay tiri Xabiibo.

Waxay sheegtay in beeralaydu ay heleen dalag kooban oo keliya, kaas oo aan ka badnayn abuurkii ay u baahnaayeen xilli-beereedka xiga.

“Halkan xeryaha kuma haysanno cunto, biyo iyo lacag toona. Wax taageero muhiim ahna ma helno,” ayay raacisay.

Biyo-yari iyo nafaqo-darro

Mid ka mid ah shantii qoys ee Soomaaliya ku nool ayaan si joogto ah u heli karin biyo nadiif ah. Qoysaska barakacayaasha ah ayaa lagu qasbaa inay qiime sare ku iibsadaan biyaha booyadaha, kuwaas oo aysan dad badan awoodin.

Madaxa guud ee Plan International, Reena Ghelani, oo toddobaadkii hore booqatay Baydhabo, ayaa sheegtay in qoysaska ay la kulantay ay sannado badan isku dayayeen inay ku sii nagaadaan deegaannadooda.

Waxay tilmaantay in qoysaskaasi ay ugu dambeyn baxeen markii ay ka dhammaadeen biyihii iyo cuntadii, xoolihiina ay ka dhinteen.

Carruurta ayaa kamid ah dadka ay dhibaatadu sida gaarka ah u saameysay. Xog ay bishii May soo saartay hay’adda caalamiga ah ee qiimeysa sugnaanta cuntada ee IPC ayaa muujisay in ku dhowaad kala bar carruurta Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay shan sano ay wajahayaan nafaqo-darro ba’an.

Plan International, oo soo xiganaysa Save the Children, ayaa sidoo kale sheegtay in lixdii bilood ee ugu dambeysay ay ku dhowaad saddex jibbaarmeen carruurta Baydhabo loogu daweynayo nooca ugu daran ee nafaqo-darrada.

Cudurrada ay ka mid yihiin daacuunka iyo duumada ayaa iyaguna halis dheeraad ah ku haya dadka ku nool xeryaha ciriiriga ah ee barakacayaasha.

Hay’adaha gargaarka iyo dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo kordhiyo taageerada caalamiga ah, iyagoo ka digay in baahida sii kordheysa iyo maalgelinta sii yaraanaysa ay halis gelinayaan nolosha malaayiin qof.

Horseed Media
Xigasho: Associated Press (AP)