Abiy Ahmed oo ku celiyey in mudnaanta 1aad ee Itoobiya ay tahay helitaanka bad.

Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa mar kale ka hadlay baahida dalkiisa u qabo helitaanka marin-badeed,…

14 September, 2026

Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa mar kale ka hadlay baahida dalkiisa u qabo helitaanka marin-badeed, xilli uu ka hadlayay shir looga hadlay iskaashiga dalalka BRICS, isagoo sheegay in helitaanka baddu ay Itoobiya u tahay arrin muhiim u ah mustaqbalka dhaqaale ee dalka iyo isku-filnaanshihiisa, isagoo tilmaamay in Addis Ababa aysan ka tanaasuli doonin raadinta marin-badeed.

Waxa uu caddeeyey in Itoobiya ay sii wadi doonto dadaallada ay ku raadinayso marin ay kaga faa’iidaysato badda, balse uu carrabka ku adkeeyay in arrintaasi lagu doonayo hab nabadeed, uuna dalkiisu doorbidayo wada-hadal, is-afgarad iyo nabad si loo gaaro ujeeddadaas, halkii ay ka jiri lahayd xiisad ama iska hor imaad.

“Waa lagama-maar-maan in aan helno Bad, waxa ku xidhan isku-filnaansheheenna dhaqaale… kama daaleyno in aan raadinno marin-badeed, waxaan ku raadineynaa wada-hadal is-afgarad & nabad”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Hadalka Abiy ayaa kusoo beegmaya iyadoo Itoobiya ay muddooyinkii u dambeeyay xoogga saartay sidii ay u heli lahayd marin-badeed, arrintaas oo muhiimad weyn u leh dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka oo aan lahayn xeeb, waxaana goobaha ay calaamadaysatay kamid ah biyaha badda cas gaar ahaan Eritrea, Jabuuti iyo xeebaha Somalia ee Somaliland.