Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo jeedinayey khudbadda muddo xileedkiisa cusub ee xukunkiisa ayaa ku dhawaaqay…

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo jeedinayey khudbadda muddo xileedkiisa cusub ee xukunkiisa ayaa ku dhawaaqay inuu dowladda Itoobiya ay dedaal xooggan ku bixin doonto sidii ay u heli lahayd meel marin-biyood caalami ah, isagoo marin-badeedkaasi ku tilmaamay mid ahmiyad weyn u leh mustaqbalka iyo horumarka dalkaasi.
Abiy Ahmed ayaa sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay si kasta u difaacdo xuquuqdeeda iyo danaha qarankeeda, ayna qaadi doonto tallaaba walba oo u fududaynaysa helitaanka marin-biyood ay ka samaysato deked caalami ah,“Waxaan si adag uga shaqayn doonnaa sidii Itoobiya u heli lahayd meel ay ka gasho ugana baxdo badda.”
Hadalka Abiy ayaa yimid xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wareysi uu siiyay Al Jazeera ku sheegay in Soomaaliya aysan ka soo horjeedin in Itoobiya ay marin-badeed ka hesho dhulka Soomaaliya, balse arrintaasi ay u baahan tahay wada-hadal iyo heshiis rasmi ah oo labada dowladood dhex mara, isagoo soo hadal qaaday saddex dekedood oo ay ka faa’iidaysan karaan dowladda iyo shacabka Itoobiya.
Dhanka kalena, dowladda Eritrea ayaa gardarro ku tilmaantay doonitaanka Itoobiya, xilli xukuumadda Addis Ababa doonayso inay xoog ku qabsato qaybo kamid ah biyaha dalkaasi si ay uga dhigato deked ay wax kala soo degaan 120 Million ee kunool Itoobiya.




