Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ka hadlayey sanad guurada ciidanka difaaca dalkiisa ayaa shaaca…

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ka hadlayey sanad guurada ciidanka difaaca dalkiisa ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaariyey ciidamo gaar ah oo la dagaalami doona argagixisada Bariga Africa.
Waxa uu sheegay in la dhisay ciidan aqoonyahan ah oo ku filan ma aha oo kaliya Itoobiya balse gobolka oo dhan, si looga hortago argagixisada loona xaqiijiyo horumarka iyo ammaanka gobolka.
âDiyaargarowgeennu waa inaan xaqiijinno nabadda Afrika, Waxaan u taagannahay inaan u noqonno garab iyo gaashaan dalalka gobolkeenna”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Dhanka kalena, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in ciidanka dalkiisu soo dhammaysteen tababaradii dhulka iyo buuraha una wareegeen tababarrada badda ayna ka hawlgeli doonaan Somalia iyo meelo kale.
“Iyadoo la taageerayo shucuubta aan walaalaha nahay ee wajahaya khataraha badda laga bilaabo cirifka Soomaaliya ilaa cirifka Mitzvah, ayey ciidankaani ka hawgeli doonaan”, Ayuu yiri Abiy Ahmed.



