Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), ayaa farriin uu soo dhigay barihiisa bulshada…

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), ayaa farriin uu soo dhigay barihiisa bulshada kaga hadlay hadal-haynta ka dhalatay khilaafka kala dhexeeya Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Awcali (Firdhiye)
Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa qoraalkiisa ku muujiyey inaysan mudnayn in loo jawaabo eedaymaha ay ujeedinayaan dhinacyada taageersan Madaxweyne Firdhiye, isagoo tusmeeyey inuu weli ku taagan yahay qaddiyaddiisa ku aaddan midnimada iyo jiritaanka maamulka Waqooyi Bari Somalia, isagoo sheegay “Marka aad garanayso qofka aad tahay iyo halka aad u socoto, kama jawaabto buuq kasta oo kugu xeeran. Libaaxu dib uma eego marka eeyo yaryar ay ciyayaan.”
Madaxweynaha Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) iyo ku-xigeeniisa oo horay heshiisyo loo dhex dhigay muddo ka yar laba sano oo ay wada shaqaynayeen ayaa siweyn isugu qabtay dhismaha taliska qaybta 26aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Magacaabista taliyaha taliskaasi oo ka soo jeeda deegaan doorashada Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.





