Abwaan Jibriil oo iska casiley xubinimadii golaha wakiilada dowladda Puntland.

13 July, 2025

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Magaalada Laascaanood kaga dhawaaqay inuu iska…

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Magaalada Laascaanood kaga dhawaaqay inuu iska casiley xubinimadii golaha wakiilada dowladda Puntland.

Abwaanka oo ka hadlay shirka ka qabsoomay Magaalada Laascaanood ee xarunta KHATUMO ayaa shaaciyey inuu iska casiley xubinimadii barlamaanka Puntland una tanaasuley dadkiisa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan iska casiley xubinimadaydii golaha wakiilada dowladda Puntaldn, si aan dadkayga ugu muujiyo sida ay iiga go’antahay inaan diyaar u ahay dhismaha maamulka cusub”, Ayuu yiri Abwaan Jibriil.