Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Cawl), ayaa saqdii dhexe ee xalay ka…

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Cawl), ayaa saqdii dhexe ee xalay ka baxay deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag oo uu abaabul ka wadey maalmihii la soo dhaafay.
Abwaan Cabdirashiid oo maalmihii la soo dhaafay halkaasi ka wadey shirar iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed qayb ka ah qorshaha Dowladda Federaalka ah ku doonayso in maamulka Khaatumo lagu dhammeystiro, maamulna loo dhiso gobollada Sool, Cayn, Sanaag iyo Haylaan.
Bixitaanka Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Puntland ciidamo hor leh geysay deegaannadaas si ay uga hortagto tallaabooyinka ay wado Dowladda Federaalka.
Dhanka kalena, Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka SSC KHATUMO ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ugu yeerayso bulshada deegaamada MAAKHIR inay qayb ka noqdaan dhismaha maamulkaasi.




