Abwaan Jirbiil oo ku goodiyey dagaal ka dhan ah Puntland iyo Somaliland.

27 August, 2025

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka dowladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku goodiyey dagaal ka dhan…

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka dowladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku goodiyey dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland ee gacanta ku haya magaalada Ceerigaabo iyo dowladda Puntland.

Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo u taagan xilka Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa shaaciyey inuusan weli dhigin qorigii xorraynta deegaamada ka maqan maamulkaasi uuna doorashada kadib u jahaysan doono Ceerigaabo iyo deegaamada Puntland kaga sugan tahay gobolka Sanaag.

“Qorigaygii garabkuu ii suran yahay Ceerigaabo tallaabooyinka ugu horreeya ee aan qaadno ayey noqon doonaan, nimanka dadka shirinaya waxaan lee yahay reer MAAKHIR khayraadkoodu waa lama taabtaan”, Ayuu yiri Jibriil.

Isimada dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Sanaag ayaa horay ugu dhawaaqay inaysan qayb ka ahayn maamulka lagaga dhawaaqay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayna kamid yihiin dowladda Puntland.