Afar kamid ah isimada dhaqanka oo MW Xasan ugu yeeray inuu talada dhulka dhigo.

28 April, 2026

Qaar kamid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed ee maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa si adag uga…

Qaar kamid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed ee maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo & qorshaha ay waddo Villa Somalia.

Isimada oo ka qaybgalay munaasabad casho sharaf ah oo ay habeenimadii xalay ku maamuustay Madaxtooyadu ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu talada dhulka dhigo kana gaabsado qalalaase siyaasadeed oo dalka ka dhacda.

“Madaxwayne dadka iyo dalka meel fog baa laga keenay, wuxuu u baahan yahay waayeelnimo & si wada jir ah in loo wada tashado oo loo wada socdo, ma jiro jid kale”, Ayuu yiri Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah dhaqanka deegaamada Puntland.

Dhankiisa Imaamka guud ee Abgaal, Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam ayaa yiri,“Madaxweynow talo aan la wadaagin laguma tisqaadayo Madaxweyne, albaabkaaga waad xidhatay, sidaasna waxba kuma soconayaan.”

Dhankiisa Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in Madaxweynaha aan laga yeeli doonin wixii uu ka diidey Madaxweynihii kursiga uga horreeyey, uuna talada dadka ku soo celiyo,“Farmaajo wixii aad ka diidanayd maanta lagaa yeeli maayo, talada dhulka dhig.”

Ugaaska Marreexaan, Maxamed Ugaas Keyse oo la hadlayey MW Xasan Shiikh: “Talada dalka qofna keligiis iskama leh, adiga ayey dantaada tahay in aad talada dhulka dhigto.”