Xeebaha gobolka Nugaal oo duqayn lagu diley 4 ruux oo lagu tuhunsanaa fal burcadnimo.

Wararka laga helayo xeebaha gobolka Nugaal ayaa sheegaya in galabta duqeyn diyaaradeed lagu beegsaday koox hubaysan…

18 August, 2026

Wararka laga helayo xeebaha gobolka Nugaal ayaa sheegaya in galabta duqeyn diyaaradeed lagu beegsaday koox hubaysan oo la tuhunsanaa inay qayb ka ahaayeen burcad afduubatay markab ku sugnaa xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Afarta ruux ayaa la sheegay inay doonyar yar uga soo dhaqaaqeen dhinaca badda una jeedeen dhanka berriga, xilli ay marayeen xeebaha Garmaal ee gobolka Nugaal, halkaas oo diyaarad aan duuliye lahayn (drone) ay duqeyn ku beegsatay. 

Wararku waxay intaas ku darayaan in markabka ay afduubteen siddeed qof oo hubaysan, kuwaas oo la sheegay inay adeegsanayeen markab kale oo horey loo afduubtay oo lagu magacaabo MV Sward, kaas oo sida la sheegay siday qalab bacriminta beeraha.

Sida xogta la helay ay tilmaamayso, markabka M/V LUTUF oo ku gooshayay calanka Cameroon, isla markaana la sheegay inay leedahay shirkad Turkish ah, ayaa ku sii jeeday Muqdisho, isagoo sida 10 shaqaale ah oo ay ku jiraan lix Hindi ah, hal Turki ah iyo hal Georgian ah, iyadoo ay sidoo kale saarnaayeen laba ilaalo ah oo aan weli la xaqiijin jinsiyaddooda.