Madaxweyne Trump ayaa mar kale ku celiyay baaqa ah in dib loo soo celiyo saldhiga weyn ee ciidamada cirka, balse Taliban waxa ay sheegtay in Mareykanka ay waajib ku tahay inuu soo celiyo xiriirka laba dal isaga oo aan raadin joogista ciidankooda ee dalkaasi.

Afganistan ayaa diiday baaq ka soo yeeray madaxweyne Donald Trump oo ahaa in militariga Mareykanka ay dib ugu soo laabtaan dalka ayna dib u soo ceshadaan xerada ciidamada cirka ee Bagram.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa Jimcihii ku shaaciyay baraha bulshada in Kabul ay diyaar u tahay in ay wax ka qabato xiirka laba dal, balse waxa uu ku adkaystay in aan Maraykanka loo oggolaan doonin inuu dib u soo ceshado joogitaanka milatariga ee dalkaasi ku yaal bartamaha Aasiya.
Trump ayaa Khamiistii sheegay in maamulkiisu uu ku cadaadinayo inuu “ku soo laabto” saldhigga Bagram. Madaxweynaha Mareykanka, oo muddo dheer rajo ka muujiyay dib u soo celinta xarunta, ayaa xusay in mowqifkeeda uu yahay mid istiraatiiji ah oo muhiim ah, sababtoo ah wuxuu saldhigaasi u dhowyahay dalka Shiinaha.
Hase-yeeshee, saraakiisha Talibanka ayaa diiday codsigaasi.
“Afghanistan iyo Maraykanku waxay u baahan yihiin inay is-dhexgalaan… iyada oo aan Maraykanku caqabad uga dhigin joogitaanka ciidamadooda ee Afgaanistaan,” ayuu yiri Zakir Jalal, oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda.
Kabul waxa ay diyaar u tahay in ay Washington la yeelato xiriir siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ku salaysan “ixtiraam labada dhinac ah iyo danaha la wadaago,” ayuu raaciyay.




