Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka…

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Jambaluul ee degmada Afgooye, Gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan ayaa lagu beegsaday ilaa 12 xubnood oo lagu tuhunsanaa inay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada, kuwaas oo ay NISA ku tilmaantay dhagar qabayaal hawlo qarsoodi ah ka wadeen gudaha deegaanka.
Sida ay NISA ku caddeysay war-saxaafadeedkooda, howlgalka ayaa bartilmaameedsaday godad iyo meelo ay xubnaha Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen ama ku diyaarinayeen qaraxyo. Intii uu socday howlgalku wuxuu isu beddelay dagaal fool-ka-fool ah, iyadoo ciidanku sheegeen inay ka hortageen isku day ay kooxdaasi ku doonaysay inay ka dagaallanto gudaha deegaanka ay shacabka ku badan yihiin.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaasi uu sababay dhaawac dad rayid ah iyo laba askari oo ka tirsan ciidamada NISA. Dowladda ayaa tilmaantay in labada askari iyo dadka dhaawacmay ay gacanta ku hayso daaweyn iyo daryeel caafimaad, iyadoo xustay inay ka xuntahay waxyeellada gaaray dadka deegaanka.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaysatay inay sii wadi doonto howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, kuwaas oo ay ku eedeeyeen weerarro joogto ah oo lagula kacayo shacabka iyo hantida qaranka. NISA ayaa ugu dambeyn ugu baaqday shacabka inay la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada Khawaarijta, iyagoo ku wargeliyay inay adeegsan karaan lambarrada xiriirka ee loo asteeyay wargelinta amniga.




