Afhayeenka Ciidanka,”Dagaalkii Haraaryo waxaa lagu diley in ka badan 60 Daacish katirsan”.

11 February, 2025

Taliska guud ee hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalo xooggan oo maanta ka…

Taliska guud ee hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalo xooggan oo maanta ka dhacay deegaanka Haraarto oo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Afhayeenka hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland Gen. Maxamuud Faadhigo oo shir jaraa’id qabtay ayaa xaqiijiyey in hawlgalkii maanta lagu diley in ka badan 60 xubnood oo katirsan kooxda Daacish.

“Dagaalku waa socdaa oo waxaa weli ciidanku baacsanayaan firxadka kooxda Daacish kadib dagaal cir iyo dhul ah oo qaatay muddo ku dhaw 24 saacadood, waxaana lagu diley 60 ilaa 65 xubnood oo meydkooda la tiriyey oo aysan kujirin meydadka godadka kujira iyo kuwa dhaawac ahaanta u cararay oo meelaha durugsan ku geeriyoodey”, Afhayeenka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland , Gen Maxamuud Faadhigo.