AFRICOM oo ka digtay in Xuutiyiintu doonayaan inay hawlgalladooda ku fidiyaan Soomaaliya

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ka digay in dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen uu doonayo inuu joogitaankiisa ku ballaariyo Soomaaliya, arrintaas oo suuragal ka dhigi karta in furin cusub loo sameeyo weerarrada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee Bariga Dhexe, isla markaana ay kordhaan khataraha ku wajahan ciidamada Mareykanka ee gobolka.

9 October, 2026

AFRICOM ayaa sheegay in dagaalyahanno ama wakiillo ka tirsan Xuutiyiinta ay suuragal tahay inay horey uga hawlgalaan waqooyiga Soomaaliya, iyagoo garab socda maleeshiyaadka Al-Shabaab. Kooxda hubeysan ee Soomaaliya ayaa Xuutiyiinta siin karta marin ay ku gaaraan dhul iyo taageero dhinaca saadka ah, taas oo u sahli karta inay ballaariyaan hawlgalladooda.

Joogitaan ballaaran oo Xuutiyiintu ku yeeshaan Soomaaliya ayaa adkeyn kara dadaallada lagu ilaalinayo marinnada muhiimka ah ee maraakiibta ganacsiga ee Gacanka Cadmeed iyo biyaha ku xeeran. Tani waxay abuuri kartaa xaalad ay weerarro kaga imaan karaan labada dhinac ee marin-biyoodka istiraatiijiga ah.

Arrintan waxay sidoo kale kordhin kartaa walaaca amni ee ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Bariga Afrika, oo ay ku jiraan ciidamada ku sugan Camp Lemonnier ee Jabuuti, oo ah saldhig milatari oo muhiim u ah Mareykanka kana mid ah xarumaha ugu waaweyn ee uu gobolka ku leeyahay.

Mas’uul ka tirsan AFRICOM, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo la xiriira shuruudihii wareysiga, ayaa sheegay in iskaashi dhex mara Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab uu xoojin karo awoodda kooxda Soomaaliyeed ee ay khatar ugu keeni karto ciidamada Mareykanka iyo danaha Mareykanka ee Bariga Afrika.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa si gaar ah uga walaacsan in Xuutiyiintu ay Al-Shabaab siin karaan hub casri ah, tababar iyo khibrad farsamo oo la xiriirta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo awoodaha kale ee milatari. Caawimaad noocaas ah ayaa suuragal ka dhigi karta in Al-Shabaab ay sare u qaaddo awooddeeda weerarrada ka dhanka ah ciidamada Mareykanka iyo bartilmaameedyo kale.

Dhanka kale, saraakiisha AFRICOM waxay sheegeen in Xuutiyiintu ay doonayaan inay awooddooda hawlgaleed ka sii fidiyaan meel ka baxsan Yemen.

Walaacyadan ayaa soo baxaya xilli Pentagon-ka la sheegay inuu qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper ka rarayo Soomaaliya. Wargeyska The New York Times ayaa toddobaadkan qoray in tiro aan la cayimin oo ka mid ah diyaaradaha Reaper loo wareejinayo dhanka Galbeedka Hemisphere-ka, si loogu adeegsado hawlgallo lagu beegsanayo kooxaha ka ganacsada mukhaadaraadka ee Koonfurta Ameerika.

Dib-u-dejinta diyaaradaha ayaa timid xilli diyaaradaha Reaper ee ciidamada Mareykanka ay la kulmeen khasaarooyin waaweyn. Adeegga Cilmi-baarista Kongareeska Mareykanka (Congressional Research Service) ayaa Arbacadii sheegay in 45 diyaaradood oo MQ-9 Reaper ah la burburiyey tan iyo markii uu dagaalka Iran bilaabmay dabayaaqadii Febraayo.

AFRICOM ayaa diiday inay faahfaahin ka bixiso goobaha ay ku sugan yihiin diyaaradaha Mareykanka ama qorshayaasha mustaqbalka ee dejintooda, iyadoo ku sababeeysay arrimo la xiriira amniga hawlgallada.

Hoos u dhac ku yimaada dabagalka iyo kormeerka ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ka sameeyaan Soomaaliya ayaa adkeyn kara dadaallada AFRICOM ay kula socoto Al-Shabaab, oo muddo tobannaan sano ah dagaal hubeysan kula jirtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa kale oo ay adkeyn kartaa la socodka dhaqdhaqaaq kasta oo cusub oo Xuutiyiintu ka sameeyaan Soomaaliya.

Ilaa hadda, baaxadda dhabta ah ee joogitaanka Xuutiyiinta ee Soomaaliya si cad looma oga. Si kastaba ha ahaatee, AFRICOM ayaa muddooyinkii u dambeeyay walaac ka muujisay awoodda Xuutiyiinta ee weerarrada fog-fog iyo saameynta ay arrintaasi ku yeelan karto ciidamada Mareykanka ee Bariga Afrika.

Walaaca istiraatiijiga ah kuma koobna Soomaaliya oo keliya. Markii uu warbixin siiyey Congress-ka Mareykanka sanadkii hore, taliyihii hore ee AFRICOM, Jeneraal Michael Langley, ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay awood u leeyihiin inay weeraraan xarumaha saldhigyada milatari ee Mareykanka ee ku yaalla agagaarka Jabuuti, haddii ay go’aansadaan inay sii xoojiyaan iska horimaadkooda Washington.

Wararka ku saabsan xiisaha Xuutiyiintu u qabaan Soomaaliya ayaa soo baxaya xilli ay sare u kacayaan walaacyada amni ee ku saabsan Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Weerarada iyo hanjabaadaha ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ayaa kordhiyay muhiimadda istiraatiijiga ah ee marinnada biyaha ee isku xira Bariga Dhexe, Afrika iyo waddooyinka ganacsiga caalamka.