Agaasimahii Guud ee Xarunta PDRC oo Geeryooday

21 October, 2025

Xarunta Cilmi baarista iyo Horumarinta Puntland PDRC ayaa shaacisay geerida Agaasimaha guud ee xarunta Marxuum Cali…

Xarunta Cilmi baarista iyo Horumarinta Puntland PDRC ayaa shaacisay geerida Agaasimaha guud ee xarunta Marxuum Cali Faarax Cali Farmayeeri oo muddooyinkii u dambeeyey xanuunsanaa.

Bayaanka kasoo baxay PDRC ayaa lagu sheegay in Marxuum Cali Faarax uu muddo ka badan labaatan sano ka tirsanaa xarunta isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay lana soo maray heer cilmibaare, isku duwaha barnaamijyada iyo ugu dambeyn Agaasimaha guud uu ka noqday.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Cali Faarax uu ahaa aqoonyahan khabiir ku ah cilmiga badda isla markaana hore uga soo shaqeeyay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Soomaaliya ka hor burburkii dowladdii dhexe sidoo kale uu muddo la soo shaqeeyay UNDP.