Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta soo xiray tababarka aqoon…

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta soo xiray tababarka aqoon kororsiga ku saabsan hogaaminta wanaagsan iyo fulinta qorshaha horumarinta Dowladda Puntland, kaasi oo loo qabtay Agaasimeyaasha Guud, Agaasimeyaasha waaxyaha qoryshaynta iyo dabagallka hay’adaha Dowladda Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay Dowladda u leedahay horumarinta aqoonta Agaasimeyaasha iyo Masuuliyiinta, isagoo boggaadiyey dhammaan dhibacyadii kasoo shaqeeyay in tababarkan qabsoomo.
Tababarakan oo socday mudo 5 cisho ah waxaa bixinayey khuburo ka socotay machadka tababarka shaqaalaha dalka Kenya ee Kenya School of government (KSG), waxaan tababaran fududeeyay Wasaaradda qoryshaynta , Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo machadka tababarka shaqaalaha Dowladda DPL , oo kaashanaysa hay’ada GIZ ee Dalka Germany.




