Agaasimihii La dagaalanka argagixisada ee Mareykanka oo xilka iska casilay, oo cambaareeyey dagaalka Iran

18 March, 2026

Warqadda iscasilaadda, agaasimaha Xarunta La-dagaallanka Argagixisada Qaranka ee Mareykanka, Joe Kent, ayaa ku boorriyay Donald Trump inuu ka fogaado khiyaanooyinka Israa’iil oo uu beddelo jihada uu u socdo.

Joe Kent, oo ahaa agaasimaha Xarunta La-dagaallanka Argagixisada Qaranka ee Mareykanka (NCTC), ayaa iscasilay Talaadadii, isagoo sabab uga dhigay go’aanka Madaxweyne Donald Trump ee ah inuu dagaal la galo Iiraan.

“Ma taageeri karo dagaalka ka socda Iiraan anigoo damiir wanaagsan leh. Iiraan khatar weyn kuma ahayn qarankeenna, waxaana iska cad inaan dagaalkan u bilownay kadib cadaadis ka yimid Israa’iil iyo ololaheeda awoodda badan,” ayuu Kent ku yiri qoraal uu ku qoray X.

Kent, oo ah 45 jir uga tirsanaan jiray ciidamada Mareykanka, ayaa xiriir weyn la leh xagjiriinta garabka midig ee taageera Trump.

Markii uu ku dhawaaqay iscasilaadiisa, Kent wuxuu ku andacooday “saraakiisha sare ee Israa’iil iyo xubno saameyn leh oo ka tirsan warbaahinta Mareykanka ay olole weyn u sameeyeen … si ay u dhiirigeliyaan dagaal lala galo Iiraan.”

Joe Kent ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sareeyey dowlada Mareykanka ee xilka iska casila tan iyo intuu bilowday dagaalka Iran.