Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley, xubno katirsan golayaasha dowladda iyo boqolaal dad-weyne ah…

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley, xubno katirsan golayaasha dowladda iyo boqolaal dad-weyne ah ayaa saaka garoonka kubadda Cagta Mire-awaare kaga qaybgalay aaska AUN Agaasimihii PDRC Cali Faarax Cali (Farmayeeri).
AUN Cali Faarax oo shala galab ku geeriyoodey Garoowe ayaa muddo dheer ka soo shaqaynayey dowladdii dhexe ee Somalia, isagoo door weyn ka qaatay dhismihii Puntland, soona noqday agaasimaha Hayadda nabadda iyo cilmi baarista ee PDRC.
Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, oo ka hadlay aaska marxuumka ayaa sheegay inuu ahaa shaqsi ay tebi doonaan dhammaan reer Puntland, wuxuuna Alle uga baryey inuu wanaaggiisii janno ugu beddelo.
“Geed weyn baa ka dumey oo runtii Cali Faarax wey tebi-doontaa Puntland oo uu shaqo weyn ka hayey, Janno ayaan Alle u waydiinaynaa”, Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor.




