Xildhibaanada golaha wakiilada dowladda Puntland oo kujira kal-fadhigooda 57aad ayaa soo saaray ajandaha rasmiga ah ee…

Xildhibaanada golaha wakiilada dowladda Puntland oo kujira kal-fadhigooda 57aad ayaa soo saaray ajandaha rasmiga ah ee lagu daadihin doono muddada uu socdo kal-fadhigu.
Qodobada ugu muhiimsan ee ajandaha waxaa kamid ah, la xisaabtanka xukuumadda, ka doodista arrimaha caasimadda, tahriibka & dhibaatada daroogada.
Dhanka kalena, golaha ayaa ajandayaashooda ku daray inay u yeeraan golaha garsoorka Puntland oo muddooyinkii dambe la hadal hayey in si rasmi ah loo kala diri doono.





