Xubnaha golaha wakiilada Puntland oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ku shirsanaa Garoowe ayaa soo saaray…

Xubnaha golaha wakiilada Puntland oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ku shirsanaa Garoowe ayaa soo saaray ajandayaasha looga hadli doono muddada uu socda kal-fadhiga 56aad ee golaha.
Kal-fadhigaan oo xubno katirsan goluhu dalbadeen in looga hadlo arrimaha SSC, Dastuurka Puntland iyo xuduudaha ayaa ugu dambayn laga saaray qodobadaasi, iyadoo lagu koobay shaqooyinkii caadiga ahaa ee golaha.
Qodobada ugu muhiimsan ee kal-fadhiga gundhigga u noqon doona waxaa kamid ah, la xisaabtanka xukuumadda, xisaab xirka miisaaniyadda iyo ka doodista shaqo abuurka dhalinyarada Puntland oo dalka siweyn uga tahriibaysa.
