Al-Burhaan oo sheegay in dagaalka Suudaan wadi doonaan si meesha looga saaro xoogaga fallaagada

11 March, 2025

Madaxa Golaha Qaranimada, ahna Taliyaha Ciidanka Suudaan, Cabdil Fataax Al-Burhaan, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ay sii wadayaan sidii ay hal mar u soo afjari lahaayeen fallaagada.

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa magaalada Shendi ee waqooyiga Suudaan, Al-Burhaan waxa uu beeniyay suurtagalnimada in mar kale ay wada xaajood la galaan ciidamada RSF, waxaana uu daboolka ka qaaday in ciidamo xoojin ah ay u direen ciidamada isku dhafka ah ee xulafada la ah ciidamadan magaalada El-Fasher ee waqooyiga Darfur si meesha looga saaro xoogaga fallaagada.

Al-Burhaan ayaa ku celceliyay in aysan ka laaban doonin dagaalka ilaa laga xoreynayo dhamaan dhulka Suudaan, isla markaana lala xisaabtamayo dambiilayaasha dambiyada ka galay shacabka Suudaan.

Dhaqdhaqaaqayaal Suudaani ah ayaa soo dhigay muuqaallada Facebook-ga oo muujinaya qayb ka mid ah booqashadii Al-Burhaan ee deegaanka Basabir ee gobolka Wabiga Niil.

Sudan waxa uu dagaal ka socdaa ku dhawaad ​​laba sano ka hor markii ay cirka isku sii shareertay xiisada u dhaxaysa ciidamada Sudan iyo xoogaga RSF.

Dagaalka Suudaan waxaa ku dhintay ugu yaraan 20,000 oo qof in ka badan 14 milyan oo qofna waxa ay ku qasbeen in ay ka cararaan guryahooda.