Hogaamiyaha maamulka cusub ee Siiriya Axmed Al-Sharaa ayaa sheegay in ciidamada Kurdiyiinta ay yihiin kuwa kaliya ee aan ka jawaabin baaqii maamulka cusub ee ahaa in hubka lagu soo koobo maamulka, waxaana uu intaa ku daray in joogitaanka kooxaha shisheeyaha ah ee ka dagaalama dalka Siiriya aysan suuragal aheyn in la aqbalo inay joogaan dalka Siiriya.

Al-Sharaa ayaa hadalkan ku faahfaahiyay wareysi uu siiyay Channel-ka “Haber” ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaasi oo uu baahiyay TV-ga Syria, in Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan iyo Xoogaga Dimuqraadiga ee Syria (SDF) aysan weli ku heshiin inay hubka ka tanaasulaan, inkastoo ay ku baaqeen in ay ku biiraan ciidamada cusub ee Wasaaradda Difaaca ee Suuriya.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in maamul ahaan aysan ogolaan doonin in PKK ay fuliyaan weeraro argagixiso oo ka dhan ah Turkiga, islamarkaana ay sameyn doonaan dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo ammaanka xuduudaha Turkiga.
Al-Sharaa ayaa xaqiijiyay in Unugyada Ilaalinta Dadka (Qaybta ugu weyn ee SDF) aysan ka jawaabin baaqyada hub ka dhigista, wuxuuna sidoo kale ku eedeeyay Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan inay ka faa’ideystaan arrinta Daacish oo ay dano gaar ah ka leeyihiin.
Hogaamiyaha maamulka cusub ee Suuriya ayaa dabayaaqadii bishii hore la kulmay wafdi ka socday xoogaga Dimuqraadiga ee Suuriya.
Waxaa xusid mudan in wasiirka difaaca ee Suuriya Murhaf Abu Qasra uu Arbacadii sheegay in “dhismaha ciidamada qalabka sida aysan waafaqsanayn maskaxda kacaanka iyo kooxaha,” ujeedaduna waa “in la difaaco dalka hooyo iyo in la sugo xuduudaha. ”