Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharac ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu hadda ku sugan yahay meeshiisii dabiiciga ahayd ee walaalaha Carbeed, isagoo tilmaamay in Suuriya ay ka mid tahay dalalka Carabta.

Waxa uu intaa ku daray hadal uu siiyay Al-Carabiya/Al-xadath in gardarada Israa’iil ay tahay isku day lagu doonayo in lagaga faa’iidaysto dhicitaanka nidaamka Suuriya.
Al-Sharac ayaa la kulmay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi oo uu ka qeyb galay shir madaxeedkii Carabta ee Talaadadii ka dhacay Qaahira, kaasoo looga hadlay dib u dhiska Gaza.
Wakaalladda Wararka Carabta ee Syria ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Syria, Asaad Hassan Al-Shaibaani uu isna kulankaasi ka qeyb galay, balse ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo kale oo ku saabsan ajandaha shirka.
Khudbad uu ka hor jeediyay shir madaxeedka degdega ah ee Carabta ee Qaahira, ayuu Al-Sharac waxa uu ku tilmaamay ku soo laabashada Suuriya ee ururka Jaamacadda Carabta sanado badan oo ay ka maqneyd mid taariikhi ah.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in Suuriya ay weli tahay qayb ka mid ah “Golaha weyn ee Carabta.”
Waxa kale oo uu ku macneeyay ku soo laabashada Suuriya ee Aqalka Carabta ay tahay tallaabo loo qaaday xalinta xasaradaha.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Ku soo laabashadayada Jaamacada Carabta waxa ay xaqiijinaysaa in aanu taageersanahay dhamaan qadiyadaha Carabta”.
Halka uu carabka ku adkeeyay in Suuriya ay ka go’an tahay in ay horay u socoto si loo dhiso mustaqbal wanaagsan.
Shir madaxeedka degdega ah ee wadamada Carabta ayaa goor hore oo maanta ah ka furmay caasimadda Masar, si loo gaaro qaabka ugu dambeeya ee qorshaha dib u dhiska marinka Qasa ee burburay.
Horseed mEDIA