Maanta oo Arbaca ah, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya ayaa muujisay sida ay ula yaaban tahay tallaabooyinka xaddidan ee dhaqdhaqaaqa iyo gelitaanka dhulka Faransiiska ee lagu qaaday qaar ka mid ah muwaadiniinta Aljeeriya.

Wasaaraddu waxay bayaan ay soo dhigtay boggeeda Facebook ku sheegtay in Faransiisku sinaba ugu wargelinin Aljeeriya warkan, sida ku cad qodobbada siddeedaad ee heshiiska labada dal ee khuseeya ka-dhaafitaanka fiisaha labada dal ee haysta baasaboorrada diblomaasiga ah ama kuwa hawl-galka ah.
Bayaanka ayaa lagu muujiyay in “mas’uuliyiinta Aljeeriya aysan ka warqabin tillaabooyin xaddidan oo noocaas ah marka laga reebo laba kiis oo dhowaan la arkay.”
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, “mas’uuliyiinta Faransiisku way ka garaabeen kiiskii ugu horreeyay, iyaga oo ka jawaabaya su’aalaha Algeeriya, waxayna ku tilmaameen shil.
Waxay intaa ku dartay, “Ku dhawaaqida tallaabooyinkan, oo aan dawladda Aljeeriya lagu wargelin, waxay ka dhigan tahay xiriir xumo kale, hanjabaad iyo cagajugleyn ka dhan ah Aljeeriya.