Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeya dadka deegaanka iyo Alshabaab oo saaka…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeya dadka deegaanka iyo Alshabaab oo saaka ka socda duleedka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka oo ka socda deegaanka Gumare ee duleedka degmada Moqokori, ayaa yimid kadib markii ciidanka deegaanku ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen malayshiyaad katirsan ururka Alshabaab.
Maamulka deegaanka ayaa xaqiijiyey in halkaasi ay maalmihii la soo dhaafay isku urursanayeen malayshiyaadka nabaddiidka ah ee Alshabaab si ay weerar ugu qaadaan deegaamada aysan gacanta ku ahayn.
Goob joogayaal ayaa xaqiijiyey inuu jiro khasaare soo gaaray dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka, inkastoo aan si rasmi ah loo ogaan karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.