Malayshiyaad taabacsan kooxda Al-shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Uganda iyo kuwa dowladda…

Malayshiyaad taabacsan kooxda Al-shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Uganda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Sabiid oo qiyaastii 40-km Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho, ayaa xaqiijiyey inay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.
Kooxda nabaddiidka ah ee Alshabaab ayaa sheegatay in ay cagta marisay saldhigyada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ku lahaayeen degeenka Sabiid.
Sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya saldhigyadii ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda, gaadiid ciidan iyo buundooyin ay dab qabadsiiyeen malayshiyaadka Kooxda Alshabaab.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli maalin un ka hor ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamada Uganda iyo kuwa Soomaaliya ay ku sii siqayaan deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.





