Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac iyo…

Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac iyo kuwa Al-shabaab ayaa saaka markale ka qarxay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar rogaal celis ah ay ku qaadeen deegaanka Aboorey, iyadoona weli la maqlayo dhawaqa rasaasta labada dhinac, sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka.
Majiraan ilaa hadda ilo wareedyo madax banaan oo si rasmi ah u shaaciyey khasaaraha ka dhashay dagaalka, inkastoo la soo werinayo in labada dhinac uu soo gaaray khasaare kala duwan.
Maalinimadii shalay ayaa waxaa deegaanka Aboorey gaarey Taliyaha ciidamada xoogga Gen Odawaa Yuusuf Raage, isagoo ka tagay degmada Aadan Yabaal, wuxuuna halkaasi u tagay si uu u dhiiri geliyo ciidamadii shalay la wareegey deegaanka.