Amiirka dalka Qatar oo ka degay dalka Suuriya

30 January, 2025

Sheikh Tamim ayaa goor hore oo maanta ah gaaray magaalada Dimishiq oo uu booqasho rasmi ah ku joogo dalka Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya.

Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Madaxweynaha Siiriya Axmed Al-Sharaa ay maanta oo Khamiis ah wadahadal ku yeeshay Qasriga Shacabka ee magaalada Dimishiq.

Amiirka ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Dimishiq waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Al-Bashiir, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta, Asaad Al-Shaibaani, Wasiirka Gaashaandhigga Murhaf Abuu Qasra, iyo mas’uuliyiin badan.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Syria, Asaad Al-Shaibaani ayaa Shir Jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay Qasriga Shacabka ee magaalladda Dimishiq, isaga iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Qatar, Mohammed Al-Khulaifi.

Al-Shaibaani ayaa sheegay in dowladda Qatar ay 14-kii sano ee la soo dhaafay ay ahayd xulafo adag oo ay la garab taagan tahay shacabka Suuriya, wuxuuna sheegay in Suuriya ay rajaynayso in ay sii xoojiso xiriirka walaaltinimo ee kala dhexeeya Qatar.

Al-Shaibani ayaa intaa ku daray in qaab-dhismeed dhamaystiran oo dib u dhiska Suuriya ah uu maanta kala hadlay dhinaca Qatar.