Amiirka Qatar iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta oo ka wadahadlay xaalada gobalka

Warbaahinta dawladda Qatar ayaa ku warameysa in amiirka dalka, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, uu wadahadal taleefoon la yeeshay madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan.

13 May, 2026

Inta lagu guda jiray wicitaanka, labada hoggaamiye “waxay ka wada hadleen horumarka ka socda gobolka iyo kan caalamiga ah, gaar ahaan horumarka hadda ka socda gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida”, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Qatar.

Labada dhinacba waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay isku-dubaridka iyo wadatashiga si loo taageero amniga iyo nabadda gobolka, sida ay sheegtay.

Imaaraadka Carabta ayaa dhamaadkii bishii hore isaga baxay ururka dalalka Saliidda soo saara ee OPEC, arrintaasi oo u muuqatay mid Imaaraatiga ku cadaadinayo xulafadoodii hore Boqortooya Sacuudiga oo awood badan ku dhexleh ururkaasi iyo siyaasada jaan-goynta soo saarista batroolka iyo Gaas.

Dhinaca kale, Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in Benjamin Netanyahu uu booqasho “qarsoodi ah” ku tagay Imaaraadka Carabta, wuxuuna la kulmay madaxweynaha intii uu socday dagaalka Iiraan.

Iran ayaa intuu socday dagaalka khaliijka duqeynta ugu xooga badan la beegsatay dalkaasi Imaaraadka Carabta oo xiriir dhaw laleh Mareykanka iyo Israel.