Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyey xilli la qorshaynayo qabashada shir dibu-heshiisiin ah.

Ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad…

8 October, 2026

Ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu soo daadiyay magaalada iyo nawaaxigeeda, xilli la filayo in maalmaha soo socda uu magaalada ka furmo shir dib-u-heshiisiin ah oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed.

Goob joogayaal ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay arkayaan ciidan iyo gaadiid dagaal oo ku sugan gudaha Magaalada, siyagoo baaritaan ku samaynaya gaadiidka dadweynaha, xaafadaha qaar iyo goobo ganacsi oo kuyaalla gudaha xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Maamulka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku jira diyaar-garowga shirka oo la filayo inay ka qeyb galaan siyaasiyiin, waxgarad, odayaal dhaqameed iyo dhinacyo kale oo ku lug leh khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee ka jira Koonfur Galbeed, inkastoo aysan ka qayb ahayn hoggaanka Laftagareen ee dibad joogga ka ah Magaalada Baydhabo.

Shirkan ayaa ku soo aadaya xilli Baydhabo ay weli ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo amni oo soo taxnaa, gaar ahaan kadib dagaallo iyo iska horimaadyo dhawaan magaalada iyo nawaaxigeeda ka dhacay, waxaana lafilayaa in maalmaha soo socda uu maamulka Koonfur Galbeed shaaciyo ajandayaasha shirka iyo martida ka qaybgeli doonta.