Xukuumadda Puntland, Maamulka gobolka Nugaal iyo Hay’adaha ammaanka ayaa isla qaatay in ammaanka Magaalada Garoowe lagu…

Xukuumadda Puntland, Maamulka gobolka Nugaal iyo Hay’adaha ammaanka ayaa isla qaatay in ammaanka Magaalada Garoowe lagu wareejiyo ciidamo gaar ah oo dhawaan tababar loogu soo xiray Muqdisho.
Ciidamadan oo u badan saraakiil heer jaamacadeed ah ayaa maalinimada berri ah lagu soo bandhigi doonaa shirka amniga Garowe oo maanta u baaqday imaanshaha ciidamadan cusub.
Maamulka gobolka Nugaal ayaa xaqiijiyey in dhawaan ay bilaaban doonaan hawlgallo xooggan oo lagu baacsanayo kooxaha hubaysan, dadka ka ganacsada maandooriyaha iyo dhammaan cidkasta oo ku hawlan falal ammaan xumo.
Garoowe waxaa muddooyinkii dambe siweyn looga cabanayey falalka ka dhanka ah ammaanka ee ay ku kacayaan dad isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya iyo dilal aan qorshaysnayn oo siweyn ugu soo batay caasimadda.




