Ammaanka guud ee Puntland oo Garoowe looga shiray.

2 July, 2025

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa maanta kulan muhiim ah Garoowe kula yeeshay…

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa maanta kulan muhiim ah Garoowe kula yeeshay taliyayaasha qaybaha gobolada Puntland.

Shirkan oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee Taliska Booliska ee magaalada Garoowe ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga gobollada Puntland, iyadoo looga gol lahaa in la xoojiyo wada shaqeynta iyo istaraatijiyadda lagu sugo nabadgelyada.

Waxaa shirka ka qeyb galay Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka booliska booliska Sarreeye guuto Caydiid Axmed Nuur,Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska, Sareeye Guuto Cismaan Cigge, iyo dhammaan Taliyaasha qaybaha kala duwan ee Booliska Puntland.

Taliye Mumin Cabdi Shire ayaa warbixinno ka dhageystay Taliyaasha, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladaha amni ee deegaanadooda iyo hawlgallada ay wadaan si loo xoojiyo sugidda nabadda.

Taliyaha ayaa ku bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee ay muujiyeen Taliyaasha iyo ciidankooda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta iyo feejignaanta joogtada ah si looga hortago falal amni darro ah.

Sidoo kale, wuxuu ku dhiirrigeliyay Taliyaasha in ay sii wadaan shaqada adag ee ay hayaan, si shacabka Puntland ay ugu noolaadaan deegaan nabdoon oo xasilloon.