António Guterres oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Suudaan

2 days ago

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Suudaan. Wuxuu sheegay in mid ka mid ah shuruudaha aasaasiga ah ee lagu joojin karo dagaalka ay tahay in la joojiyo keenista hub cusub oo dalkaas la geeyo, isagoo carabka ku adkeeyay in socodsiinta hubku ay sii dheeraynayso colaadda isla markaana ay kordhinayso waxyeelada shacabka rayidka ah.

Guterres, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, xilli lagu guda jiray shir-madaxeedka labaad ee caalamiga ah ee horumarinta bulshada, ayaa ku baaqay in la sameeyo hannaan dhab ah oo lagu soo qabto laguna ciqaabo mas’uuliyiinta ku lugta leh waxyeelaynta bulshada rayidka ah ee dalka Suudaan oo uu ku tilmaamay falal arxan darro ah oo aan laga aamusnaan karin.

Wuxuu intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay si wadajir ah ula shaqaynayso Ururka Midowga Afrika, iyo ururka IGAD, iyadoo la raacayo waddo lagu mideynayo dadaallada caalamiga ah lana gudbinayo fariin cad oo loo dirayo ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo Ciidanka Taageerada Degdegga ah, taas oo ah in dagaalkan gabi ahaanba aan la aqbali karin, isla markaana midnimada Suudaan la dhowro, xaalad kasta ha jirtee.”

Xoghayaha Qaramada Midoobay, Mr. Guterres wuxuu sheegay in dhammaan dhinacyada caalamiga ah ay ka shaqeynayaan hal ujeeddo oo keliya oo ah in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka loona soo afjaro dhiigga shacabka ee sii qubanaya.

Horseed Media