António Guterres oo sidhow ula socda xaaladda siyaasadeed ee Somalia.

19 May, 2026

Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqday inay si dhaw ula socoto xaaladda siyaasadeed ee Somalia gaar ahaan…

Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqday inay si dhaw ula socoto xaaladda siyaasadeed ee Somalia gaar ahaan wada-hadalladii ugu dambeeyey ee dhexmaray dowladda iyo mucaaradka.

Qoraal uu soo saaray xoghayah guud ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan diyaar garaw kasta oo dhinacyadu ugu jiraan gaarista tub heshiis lagu yahay.

“Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si dhow ula socda xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan wada-hadalladii heerka sare ahaa ee dhowaan dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Somali Future Council. Wuxuu soo dhoweeyay diyaar garowga labada dhinac ee wada-shaqeynta iyo is-afgaradka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan wada-hadallada si loo gaaro heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha la xiriira”, Ayaa lagu yiri qoraalka.

Daneeyayaasha arrimaha siyaasadeed ee Somalia ayaa labadii asbuuc ee ugu dambeeyey dedaal xooggan ku bixiyey sidii ay isugu keeni lahaayeen dhinacyada siyaasadda, inkastoo kulamadii ugu horreeyey fashil ku dhammaadeen.