Aqalka Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey guddiga madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka,…

Aqalka Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey guddiga madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kadib kulankoodii caadiga ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Senatorada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey guddigan, oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in 28 Senator ay ogolaadeen, halka 1 Senator uu ka aamusay, taas oo ka dhigan in guddigu helo sharciyad dhammeystiran oo u suurta gelinaysa inuu shaqadiisa si rasmi ah u bilaabo.
Dhaarinta xubnaha guddiga ayaa isla goobta ka dhacday, kadib markii la xaqiijiyey kalsoonida ay ka heleen golaha. Xubnahan ayaa haatan si toos ah u geli doona howlaha muhiimka ah ee loo igmaday ee la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoum, oo kulanka ka hadashay, ayaa uga mahadcelisay Aqalka Sare ansixinta guddiga, waxayna ku tilmaamtay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.



