19 April, 2026
Alle ha janneeyo aqoonyahan Xaashi Yaasiin Cismaan Keenadiid oo ku geeriyooday magaalada Zürich.

Dr.Xaashi Yaasiin Cismaan ayaa 1955tii ku dhashay Muqdisho, wuxuuna ahaa aqoonyahan ku xeel dheer Luuqaddaha, isla markaana horey wax badan uga qoray Taariikhda Soomaaliya.
Dhamaan bahda Horseed Media waxay halkan Tacsi uga diranayaan dhamaan qoyska marxuumka, reer Yaasiin Osmaan Keenadiid iyo ummadda Soomaaliyeed. Alle samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo.
Waxaan Alle u weydiinaynaa janno iyo inuu ka yeelo kuwa la soo dhaweeyo.
Amiin



