Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Boosaaso, ayaa maanta furay…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Boosaaso, ayaa maanta furay bandhigga todobaadka hal-abuurka Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Citycot ee Boosaaso.
Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybta Carwada lagu soo bandhigay hal-abuurka Tiknoolajiyadda ee ay hindiseen ardayda Jaamacadda Citycot, isagoo warbixin ka dhegaystay ardayda oo soo bandhigay hal-abuur casri ah oo u badan adeegyada danbeysan, Robots shaqeynaya, sida korontada looga faa’ideysto wax soo saarka Beeraha iyo qeybo ka mid ah Dalaga dhulkeenna kasoo baxay iyo kheyraadka baddeenna kujira .
Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda , La-taliyeyaal, Guddiga Tacliinta Sarre ee Puntland, Maamulka Gobolka Bari iyo Kan degmada Boosaaso, Ganacsato , Maamulka Jaamacadda Citycot iyo ardayda Jaamacadda.




