Ardayda Bosaso oo Madaxweyne Deni u soo bandhigay hal-abuuro Tiknoolojiyadeed.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Boosaaso, ayaa maanta furay…

2 May, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Boosaaso, ayaa maanta furay bandhigga todobaadka hal-abuurka Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Citycot ee Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybta Carwada lagu soo bandhigay hal-abuurka Tiknoolajiyadda ee ay hindiseen ardayda Jaamacadda Citycot, isagoo warbixin ka dhegaystay ardayda oo soo bandhigay hal-abuur casri ah oo u badan adeegyada danbeysan, Robots shaqeynaya, sida korontada looga faa’ideysto wax soo saarka Beeraha iyo qeybo ka mid ah Dalaga dhulkeenna kasoo baxay iyo kheyraadka baddeenna kujira .

Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda , La-taliyeyaal, Guddiga Tacliinta Sarre ee Puntland, Maamulka Gobolka Bari iyo Kan degmada Boosaaso, Ganacsato , Maamulka Jaamacadda Citycot iyo ardayda Jaamacadda.