Ardayda Puntland oo sanadkii 23aad u dareeray imtixaan midaysan.

In ka badan 25,000 oo arday ayaa saaka u dareeray imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland, kaas…

30 May, 2026

In ka badan 25,000 oo arday ayaa saaka u dareeray imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland, kaas oo ay u fariisanayaan ardayda fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo 12-aad ee dugsiyada sare.

Imtixaankan oo ah kii 23-aad ee si mideysan looga qaado deegaannada Puntland ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, iyadoo ardaydu kugelayan xarumo kala duwan oo ku yaalla guud ahaan gobolada Puntland.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegay in dhammaan diyaar-garowgii lagama maarmaanka ahaa la dhameystiray, isla markaana la adkeeyey ammaanka iyo habsami-u-socodka imtixaanka si ardaydu ugu galaan jawi deggan oo hufan.

Imtixaanka shahaadiga ah ayaa lagu qiimeeyaa heerka aqooneed ee ardayda dhammeystay waxbarashada dugsiyada dhexe iyo sare, waxaana natiijadiisu door muhiim ah ka ciyaartaa mustaqbalka waxbarasho ee ardayda.